Warbixin Ku Saabsan Maalinta Cuntada Aduunka Oo Maanta dunida laga Xusayo

0
147

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Maalinta cuntada aduunka waa maalin caalami ah oo sanad walba caalamka laga xuso 16-ka October si loo xuso maalintii la aas aasay hay’ada Qaramada Midoobay u qaabilsan beeraha sanadkii 1945-tii, waxaana maalintan si weyn u xusay hay’ado oo badan oo daneeya gaajada iyo sugnaanta cuntada oo ay ka mid yihiin Barnaamijka Cunnada Adduunka, Ururka Caafimaadka Adduunka iyo Sanduuqa Caalamiga ah ee Horumarinta Beeraha.

WFP waxay ku heshay abaal marinta Nobel Peace Prize ee sanadka 2020 dadaalkooda la dagaalanka gaajada, ka qayb qaadashada nabada goobaha colaadaha, iyo inay door hormuud ah ka ciyaareen joojinta isticmaalka gaajada oo ah hubka dagaalka iyo colaadaha.

Mawduuca Maalinta Cuntada Adduunka ee 2014 wuxuu ahaa Beerashada Qoyska: “Quudinta adduunka, daryeelka dhulka”; 2015 waxay ahayd “Ilaalinta Bulshada iyo Beeraha: Jebinta Wareegga Saboolnimada Miyiga.

Warkung Waliba nig haaye Abdyqaadir Mahamed Nor War’ady

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here