Chelsea Oo Xaqiijisay Dhaawac Soo Gaadhay Nkunku,.

0
84

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Chelsea ayaa war ka soo saartay dhaawaca Christopher Nkunku ka soo gaaray kulankii saaxiibtinimo ee ay Chelsea la ciyaartay Dortmund.

Bayaanka ayaa lagu yiri: “Nkunku waxaa soo gaaray dhaawac jilibka ah kaas uu xiddigu garoomada uga maqnaan doono Muddo dheer”.

“25-sano jirkaan ayaa lagu sameeyay qaliin, waxaana uu hadda bilaabi doonaa barnaamijka ka soo kabsashada dhaawaca”.

Weerarka ayaa lagu soo waramayaa in saaka lagu sameeyay qalliin taas oo keenaysa in uu garoomada ka maqnaado muddo 3 bilood iyo badh ah.

Warkan ayaa dhirbaaxo ku ah kooxda chelsea kuwaas oo ku tashanayay xiddiga marka la eego in uu qaab ciyaareed fiican soo bandhigay kulamadii isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here