Hordhaca:- Man City Vs Inter Milan

0
86

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi) Man City waxa ay isha ku haysaa in finalkaan qaadaan si xili ciyaareedkaan sedex koob u diiwaan gashtaan

Xogta Kulanka

Kani waa kulankii ugu horeeyay abid ee dhexmara Manchester City iyo Inter Milan.

Kooxaha Ingiriiska iyo Talyaaniga ayaa ku kulmay afar final oo hore oo European Cup/Champions League ah, iyadoo Liverpool ay mar walba ahayd kooxda Ingariiska ,markii hore laba jeer ayay ku guuleysteen waliba rigoorayaal 1984 oo Roma ah iyo 2005 Ac Milan halka labada kale ay ku hor kufeen JUve 1985 iyo MIlan 2007

Manchester City ayaa kaliya ka soo muuqatay labo final oo hore oo Yurub ah, waxayna 2-1 ku garaacday kooxda reer Poland ee Górnik Zabrze finalkii 1970 Cup Winners’ Cup, ka hor inta aysan 2021 finalka UEFA Champions League 1-0 ku hor kufin kooxda kale ee England ee Chelsea.

Internazionale ayaa ciyaaraysa finalka 11-aad ee Yurub ugu waa wayn, waana kooxda seddexaad ee ugu badan koox kasta oo Talyaani ah ka dib Juventus (16) iyo AC Milan (14).

Manchester City ayaa isha ku haysa inay noqoto kooxdii afraad ee kala duwan ee Ingiriis ah ee ku guulaysata UEFA Champions League, ka dib Man Utd (1999, 2008), Liverpool (2005, 2019) iyo Chelsea (2012, 2021), kuwaas oo noqon doona kuwa ugu badan qaran kasta. Wadarta guud ee hadda jira waa seddexda ugu badan, oo ay weheliso Italy (AC Milan, Juventus, Inter).

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here