Goorma Ayaa La Soo Saarayaa Jadwalka Prmeier League Xilli Ciyareedka 2023/2024.

0
117

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Inkasta oo uu todobaadkii hore dhamaaday xilli ciyaareedka premier League hadana durba kooxaha ayaa isku diyaarinaya xilli ciyaareedka cusub.

Kooxaha premier League ayaa haatan isha ku haya ama u dhag taagaya jadwalka xilli ciyaareedka dambe ee 2023/2024 iyada oo la ogaaday wakhtiga la shaacin doono jadwalka.

20-ka kooxood ee ka ciyaari doona premier League xilli ciyaareedka dambe iyo taageerayaashooda ayaa sugaya jadwalka kulamada horyaalka Premier League xilli ciyaareedka dambe.

Maamulka premier League ayaa si Rasmi ah u shaaciyay in 15 bishn haatan lagu jiro noqon doonto maalinta la shaacin doono jadwalka horyaalka Premier League xilli ciyaareedka dambe.

Xilli ciyaareedka 2023/2024 ayaa bilaaban doona 12 bisha August ee soo socota maalin ku beegan Sabti waxana ay kooxuhu bilaaban doonaan xilli ciyaareed adag.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here