Jamaahiirta Arsenal Oo Ku Eedeeyay Rodri Inuu Isku Dayay Inuu Si Ku Talogal Ah U Dhaawaco Kabtankooda Odegaard

0
120

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Taageerayaasha Arsenal ayaa caradooda ku soo bandhigay baraha bulshada iyagoo ku eedeeyay xiddiga Man City Rodri inuu isku dayay inuu soo gabagabeeyo xilli ciyaareedka kabtankooda Martin Odegaard intii uu socday kulankii Spain iyo Norway.

Odegaard ayaa ku dooday rigoore ka dib markii uu taakal xun kala kulmay xiddiga khadka dhexe ee Manchester City.

Kabtanka Arsenal ayaa si cajiib ah u garab maray Dani Carvajal isagoo abuurayay fursad gooldhalin ah laakiin waxaa beeniyay Rodri oo taakal xun ku qabtay.

Odegaard oo jug weyn ay gaartay ayaa garsooraha weydiistay in rigoore loo dhigo.

Laakiin garsooraha rigoore uma dhigin Odegaard iyadoo taageerayaasha Arsenal ay ku eedeeyeen xiddiga Man City inuu isku dayay inuu si ku talogal ah u dhaawaco kabtankooda madaama ay ku tartamayaan horyaalka Premier League.

Taageere ayaa Twitter ku soo qoray: “Rodri wuxuu isku dayay inuu dhaawaco Odegaard. Waa burcad aan maskax laheyn.”

Mid labaad ayaa qoray: “Rodri wuxuu isku dayayaa inuu soo gabagabeeyo xilli ciyaareedka Odegaard isagoo ku sigtay inuu canqowga jabiyo.”

Mid seddexaad ayaa yiri: “Rodri wuxuu isku dayay inuu burburiyo riyada horyaalka ee Arsenal isagoo taakal xun ku qabtay Odegaard. Waa wax aan la aamini karin.”

Inkastoo Norway rigoore laga diiday hadana Spain ayaa kulankii isreebreebka Euro 2024 ku badisay 3-0 ka dib labo gool uu u dhaliyay Joselu iyo gool uu saxiixay Dani Olmo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here