Man City Oo Bar-Baro Niyad Jab Leh La Gashay RB Leipzig & Lukaku Oo Bar-Baro Badbaadiyay Inter.

0
154

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Manchester City ayaa taako kala kulantay RB Leipzig oo ka soo kabsatay gool looga hormaray islamarkaana barbaro 1-1 ah ku qabatay kooxda Ingariiska ciyaartii ka dhacday Jarmalka.

Kooxda difaacaneysa horyaalka Premier League ayaa ciyaarta maamuleysay qeybtii hore ee ciyaartii garoonka Red Bull Arena, waxayna hogaanka u qabteen ciyaarta ka hor waqtigii nasashada.

Qalad uu sameeyay Xaver Schlager ayaa u ogolaatay Jack Grealish iyo Ilkay Gundogan inay kubada u dhisaan Riyad Mahrez oo shabaqa ku taabtay daqiiqadii 27aad.

Waxay aheyd goolkii 20aad ee xiddiga reer Algeria ee tartamada oo dhan, isagoo ku riyaaqaya xilli ciyaareedkiisii ugu fiicnaa.

Leipzig ayaa horumar weyn sameysay qeybtii labaad, waxayna ku dhawaadeen inay barbareeyaan daqiiqadii 55aad markii uu fursad fiican helay Benjamin Henrichs.

Ederson ayaa ka dib fursad halis aheyd ka beeniyay Andre Gomes ka hor inta uusan Haaland qasaarinin fursad aad u fiicneyd.

RB Leipzig ayaa dhibaato u sii abuureysay Manchester City, waxayna goolka barbaraha heleen ciyaarta oo 20 daqiiqo ay ka harsan tahay, markii Josko Gvardiol uu madax ku dhaliyay karoos laga soo dhigay garabka bidix.

Guardiola ayaa ka xanaaqay sida kooxdiisa ay kubada u heysatay iyo sida ay isaga qasaariyeen fursad guul aheyd ka dib barbarihii ay Nottingham Forest kala kulmeen isbuucii hore.

Manchester City ayaa rajo ka qabta inay guul gaarto kulanka lugta labaad ee wareega 16ka ee ay RB Leipzig marka ay ku kulmaan Etihad Staidum 14ka bisha Maarso.

Dhanka kale kooxda Inter Milan ayaa guul muhiim ah gaartay kulankii lugta hore ee wareega 16ka ee San Siro iyagoo 1-0 kaga badiyay kooxda reer Portugal ee FC Porto.

Otavio ayaa casaan ka qaatay kooxda FC Porto daqiiqadii 78aad taasoo fursad u siisay Inter Milan inay goolka guusha helaan daqiiqadii 86aad.

Romelu Lukaku ayaa goolka guusha dhaliyya ciyaarta oo afar daqiiqo ka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here