Pep Guardiola Oo Bilaabay Ciyaar Maskaxeed Ka Hor Kulanka Arsenal, Muxuu Sameeyay.

0
168

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi) Tababaraha kooxda Man City ee Pep Guardiola ayaa bilaabay ciyaar maskaxeed ka hor kulanka ay kooxdisu la ciyaari doonto Arsenal kulan ka tirsan premier League.

Guardiola ayaa Arsenal ku tilmaamay kooxda ugu fiican England xilli uu ka hadlay shirkii ka horeeyay kulanka Arsenal muhiimka ah.

Man City ayaa 3 dhibcood ka dambaysa hogaamiyayaasha horyaalka premier League ee Arsenal waxana ay labada kooxood ku tartamayaan horyaalka premier League.

Guardiola ayaa shirkiisa jaraa’id ee kulanka ku yidhi: “Waxa aanu wajahaynaa kooxda ugu fiican England iyo Premier League’.

“Waxa uu kulanku noqon doonaa mid aad u adag waxana aan u baahanahay in aan diyaar buuxa u ahaano kulanka”.

Waxa uu intaa ku daray, “Qof walba waa ogyahay sida ay muhiim u tahay, waxaana isku dayi doonaa inaan ku guuleysano, gaar ahaan maadaama waqtigii ugu muhiimsanaa xilli ciyaareedka uu bilowday”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here