Gabdhaha baraneya Cilmiga Caafimaadka oo goobaha waxbarashada ee magaalada baydhabo ku soo badaneya.

0
457

Baydhabo(Radio Arlaadi)- Gabdhaha somaliyeed kuwooda waxbarta ayaa inta badan ku soo badaneyaan barashada  cilmiga caafimaadka ,taasi ayaa ka duwan qarniyadii hore oo haweenka ahaayeen kuwa aan waxabarashadu loo ogoleyn ,waxaana waayadaan dambe soo badaneya waxbarashada gabdhaha iyagoona heleen fursado waxa barasho ee xili ay wax bartaan xili kalena howsha guriga ay qabtaan ,sikastoo ay ahaataba  waxa inta badan la hormarsiin jiray wiilasha  dhanka waxa barashada marka loo eego.

Haweenka ayaa ah kuwa naxriis badan  ayadoo  qaarkooda ay dhibaatooyin ku jiraan ayaa waxa aya ku adkeysaneyaan waxabarashadoda maadaama  gabar waxa baratey  ay tahay bulsho waxa baratey.

Magaalada Baydhabo ee xaruunta Gobalka baay waxaa ku yaala xaruumo lagu barto maadooyinka caafimaadka, waxaana dhanka raga kaga badan gabdhaha oo aad u jaceyl barashada maadadaasi, waxeyna sababta gabdhaha ku sheegaan in ay jaceyl yihiin u gargaarida dadka iyo in ay caawiyaan bulshada.

Muna ibraahim xuseen  iyo maryama maxamed Adan waxay ka mid yihiin  gabadhaha ka barta ciliga caafimaadka iskuulka royal, waxayna dhiiragelin usameeyeen gabadhaha jiilka cusub oo rabaan in ay waxa bartaan ayana ku dadaan  barashada caafimaadka, waxeyna sidoo kale la kulmeen caqabado u diideya in ay waxbartaan balse ay iyagu u dhabar adeegeen.

Radio Arlaadi:-Rahma Salaad Abdullahi

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here