Haweenka Magaalada Xudur oo loo qabtay tababar ku saabsan ka qaybgalka siyaasadda.

0
323

Baydhabo(Radio Arlaadi)- Kulan  ay soo qabanqaabisay  wasaarada haweenka arimaha Qoyska  iyo xuquuqal insaanka dowlad  gobaleedka koonfur galbeed soomaliya  iyo hay,ada CRD ayaa lagu qabtay degmada xudur kaasi oo looga hadleyey ka qeybgalka arimaha siyaasada ee haweenka degaanada koonfur galbeed.

Kulanka ayaa inta uu socday si aad ah loogu hadley dhibaatooyinka ka heysto haweenka ka qeyb galka siyaasada iyo sidii looga bixi lahaa.

waxaana kulankaasi soo xaadirey haween ka kala yimid xaafadaha guud ee degmada xudur.

ugu horeyntii waxaa kulanka ka hadlay maxamuud cabdicasiis maxamed oo ka socodey hay,ada CRD waxa uu tilmaamey in ay qiimeyn ku sameynaayaan xeerarka siyaasada haweenka ee degmada xudur  ee gobollka bakool.

Gudomiyaha ururka haweenka degmada xudur faadumo cabadiraxamaan ayaa dhankeeda tilmaantay in ay jiraan caqabado badan oo ay wajaheyaan haweenka degaanada gobalka bakool.

Dhanka kale Gudoomiyaha ururka haweenka Gobalka bakool faadumo samaan maxmed  ayaa dhankeeda umahadcelisay wasaarada sida ay marwaliba u dhiiregeliso haweenka.

Ugu dambeyntii  marka kulanka soo idlaaday ayaa waxaa goobtaasi fikradahooda ka dhiibteen haweenka kulanka ka soo qeyb galeen iyagoona  tilmaamen sida ay uga bixi lahaayeen dhibaatada ka heysato ka qeyb galka siyaasada ee haweenka gobalkaasi.

Radio Arlaadi:-Maryan Macalin Abshir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here