Juventus Oo Ku Biirtay Tartanka Loogu Jiro Xiddig Isku Muujiyay Premier League

0
142

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi) Kooxda Juventus ayaa isha ku heysa weeraryahanka Crystal Palace Wilfried Zaha.

Heshiiska Zaha ayaa dhici doona dhamaadka xilli ciyaareedkan waxana uu ilaa haatan diidanyahay in uu heshiis cusub u saxiixo kooxda Crystal Palace.

Juventus ayaana si dhaw ula socota xiddiga Zaha iyaga oo doonaya in ay xiddiga la soo saxiixdaan suuqa January ama xagaaga dambe.

Sida laga soo xigtay London Evening Standard, Juventus ayaa doonaysa in ay wadahadalo la furto xiddiga maalmaha soo socda.

Zaha ayaa sidoo kale xiiso ka helaya kooxda Barcelona kuwaas oo doonaya in ay kula tartamaan kooxda Juventus.

Xiddiga 30 jirka ah ayaa doonaya in uu isaga tago Crystal palace si uu ugu biiro koox ka ciyaarta champions League.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here