Ronaldo Oo ku Biiray Kooxda Al Nassr”

0
256

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi) Ronaldo ayaa muujiyay sida uu uga faraxsan yahay  in uu u wareegay kooxda Alnasr ee Sacuudiga , waxa uuna carabka ku adkeeyay in uu u hamuun qabo tijaabada cusub .

Alnasr ayaa qaab  xor ah ku heshay Ronaldo ka dib markii laacibka iyo United si nabad ah u kansaleen hishiiskii uu kooxdaas kula jiray

Bogga rasmiga ee kooxda Alnasr ayuu Ronaldo ka yiri ” aad ayaan ugu hammuun qabaa tijaabadaan , dal cusub iyo horyaal cusub”.

Waxa uu intaas sii raaciyay “Aragtida uu naadiga Al-Nasr ku shaqeeyo waa mid dhiirri-gelin leh waana midda keentay in aan aqbalo dalabkooda”.

“Waan dhararayaa in aan is aragno saaxibadeyda cusub waxaan ka shaqeynayaa in aan guulo waa weyn la soo hoyiyo Alnasr” ayuu sii raaciyay

Ronaldo ayaa la xusayaa in laba sano iyo bar uu la joogayo kooxda Alnasr ee Sacuudiga oo xilli ciyaareedkaan bandhig wacan sameyneysa

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here