Klopp: Ma Jiro Daafac Joojin Kara Darwin Nunez.

0
158

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Tababaraha Liverpool Jürgen Klopp ayaa diiday inuu dhaleeceeyo weeraryahankiisa Darwin Nunez.

Xiddiga reer Uruguay ayaa dhaleecayn kala kulmay khubarada iyo taageereyaasha kadib markii uu fursado is daba joog ah lumiyay kulankii Premier League ee ay la ciyaareen Aston Villa.

Si kastaba ha ahaatee, Reds ayaa ku badisay ciyaarta 3-1, Klopp ayaana aad ugu riyaaqay saameynta guud ee Nunez uu ku yeeshay ciyaarta.

Waxa uu sheegay ciyaarta ka dib”Waxyaabo kala duwan, dabcan waa sidan oo kale, waxaad tahay bini’aadan mana fududa inuu hadda indhaha isku qabto kadib kubada laagtid”.

“Weeraryahanadu waxa ay marar qaar yeeshaan nasiib xumo waan mida dhacay markan, waxa aan la soo shaqeeyay weeraryahano badan dhalinta goolashuna waa mid aan bilaaban isla markaasba mana ahan arin muhiim ah”.

“Waxaa jira waxyaabo kale oo badan oo aad uga muhiimsan, sababtoo ah ugu dambeyntii dib ayaad u eegaysaa waxana aad qiyaasaysaa fursadaha aad khasaarisay”.

“Haatan xaaladiisa waan ka daganahay waxa aan Nunez ka jeclaaday ayaa ah shaqada uu ka dhex qabto garoonka inta uu ku jiro”.

“Guud ahaan ma ahan mid la joojin karo waana in uu siiwado sidaas, waxa uu leeyahay orod badan mana jiro daafac joojin kara isaga”ayuu sii raaciyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here