Arsenal Vs West Ham: Gunners Oo Doonaysa In Ay Dheeraysato Hogaanka Premier League

0
173

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Hogaamiyayaasha Horyaalka premier League ee Arsenal ayaa marti galin doona kooxda West Ham kulan ka tirsan premier league kulan ka tirsan todobaadkii 17-aad ee xilli ciyaareedka.

Gunners ayaa kulanka ayaa kulanka soo galaysa iyaga oo doonaya in ay sii wataan guulaha isla markaas sii dheeraystaan hogaanka premier League.

Dhinaca kale West Ham oo xaal adag ku jirtay qaybtii hore ee xilli ciyaareedka ayaa kulanka soo galaya iyaga oo doonaya in ay garaacaan hogaamiyayaasha horyaalka.

Kulanka: Arsenal Vs West Ham

Tartanka: Premier League

Wakhtiga: 11:00

Garoonka: Emirates Stadium

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Tan ilaa markii ay 3 guuldaro oo xidhiidh ah kala kulantay West Ham intii u dhexaysay February 2006 ilaa April 2007, Arsenal ayaa kaliya 2 guuldaro kala kulantay West Ham 28 kulan oo ay la ciyaartay premier League.

West Ham ayaa laga badiyay 11 ka mid ah 12 kulan oo ay Arsenal ku booqatay garoonkeeda Emirates premier League marka laga reebo guushii 2/0 ahayd ee ay Arsenal ka gaadhay kulankii furitaanka ahaa ee xilli ciyaareedki 2015/2016.

Markan ayaa ah markii 3-aad ee ay Arsenal iyo West Ham ku kulmaan Premier League Boxing Day iyada oo Arsenal badisay labadii kulan ee hore ee dhacay 1998 iyo 2013.

Arsenal ayaa badisay 10-kii kulan ee ugu dambeeyay ee ay Boxing day-ga ku ciyaartay garoonkeeda premier League isla markaas lagama badin 13-kii kulan ee ugu dambeeyay tan ilaa guuldaradii 1/0 ahayd ee ay kala kulmeen Nottingham Forst sanadkii 1987.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here