Maamulka Degmada Marka Oo balan qaaday in ay ka shaqeynayaan wax ka qabashada Xaalada Dadka Barakacayaasha ah

0
172
Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Gudoomiyaha Maamulka Magaalada Marka Ahna Duqa Degmada Mudane: Osman Muse Mohamed oo dadaal ugu jira sidii wax loogu qaban lahaa baahiya Barkacayaasha, Ayaa Gudoomiyaha oo uu wehlinayay Gudoomiye ku xigeenka Samafalka Cali aadan Akalow ay maanta kormeer Waxaa ay ku tageen xarayaha Barakacaysha ee ku yaala duleedka Magaalada, halkaas oo Ay Soo Gaareeyn Qoysas hor leh oo ka soo barkecay Tuulooyinka Canbareey, Day-doog, Siinaay, Busleey Saleemaal, Iyo Tuulooyin kaloo dhowr ah oo hoos taga, Degmada Kurtunwaareey, Ee Gobalka Shabellaha Hoose.
Gudoomiyeha ayaa si gaar ah kaga dhageeystay baahiyaha jiraan Odyaasha iyo horjooyasha xirooyinka, waxaa uu balan qaaday in maamulka ka shaqeeyn doono wax ka qabshada inta karaan iyadoo ay socdaan dadaalo kala duwan oo Barakacayaasha gurmad loogu sameeynayo.
Ugu dambeyntii Duqa Magaalada Mudane Osman Muuse ayaa baaqa deg deg ah u direy hay’adaha ku howlgala Degmada Marka in ay usoo gurmadaan dadka barkacyaasha ah oo u baahan xaalada bani aadamnimo in lagu soo eego.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here