Qaramada Midoobay oo dalbatay in la joojiyo rabshadaha ka socda Myanmar

0
150

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi) Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa ansixiyay qaraar lagu dalbanayo maamulka ciidamada ee Dalka Mayanmaar in ay joojiyaan rabshadaha iyo khalalaasaha siyaasadeed ee wiiqay horumarka dalkaasi.

Golaha ayaa ku baaqay hoggaamiyeyaasha militariga ee dalkaas inay sii daayaan dhammaan maxaabiista siyaasadeed, oo ay ku jirto hoggaamiyaha sida dimuqraadiga ah loo doortay Aung San Suu Kyi.

Milateriga Myanmar ayaa la wareegay awoodda dalkaasi bishii Febraayo sanadkii 2021,kuwaas oo xabsiga dhigay dad gaaraya 16,000 oo ay ku jiraan siyaasiyiin badan,isla markaana ka dambeeyay dhimashada dhowr kun oo qof.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here