Dhul gariir culus oo ku dhuftay Mareykanka

0
128

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Labo qof ayaa ku dhintay tobannaan kun oo guryo la daggan yahay ahna waxaa ku dhacday koronto la’aan ka dib markii uu dhul gariir cabirkiisu yahay 6.4 magnitude ruxay waqooyiga gobolka California ee dalka Mareykanka.

Dhul gariirka oo ku dhuftay meel 215 meyl (350km) u jirta waqooyiga San Francisco ayaa burbur xoog leh u geystay waddooyinka tareennada.

“Wax walba oo darbiyada ku dhagganaa wey soo jabeen,” ayuu yiri JB Mathers, oo ka mid ah dadka degan magaalo xeebeedka Eureka.

Maamulka gobolka ayaa xiray waddooyin badan waxayna shacabka uga digeen saameyn kale oo ka dhalan karta dhul gariirkaas.

Fiidnimadii Talaadada, oo ay saacaddu ku beegneyd 02:34 PST (10:34 GMT) ayuu dhacay dhul gariirka. Waxa uu usii kala fiday ilaa 80 dhul gariir oo yar yar, kuwaasoo cabirkoodu uu u dhaxeeyay 4.6 ilaa 2.5, sida ay sheegtay hay’adda tirajoobka cimilada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here