Xiddig Qaranka Morocco Ku Jira Oo Bixiyay Tilmaan Ah In Uu Ku Biiri Karo Liverpool

0
103

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Xiddig wacdaro ka dhigaya koobka aduunka iyo qaranka Morocco ayaa bixiyay tilmaan  macquul ah oo ah suura galnimada ah in uu u wareegi karo Liverpool

Sofyan Amrabat ayaa qarankiisa Morocco ku hogaamiyay wareegga 4-ta koobka aduunka waxaana haatan la xariirinayaa Liverpool

Fiorentina waxa ay marar badan tilmaameen in uusan iib aheyn ka aheyn laacibkaan marka suuqa January ee jiilaalka uu furmo dhawaan

Taageero Liverpool ah maamula bar Twitter-ka ah oo taageerayaasha Liverpool ah ayaa soo dhigay sawir isaga oo la sawiran Sofyan Amrabat

Waxa uuna  ku soo qoray “markii aan weydiiyay  in ay dhici karto in Liverpool uu ku biiri karo waxa uu isaga oo dhool cadeynaya  uu  ku ajwaabay Liverpool waa koox cajiib ah ka dibna waa uu dhoola cadeeyay”

Bogga Liverpool Echo ayaa tilmaantay in tani ay tilmaan macquul u tahay in Sofyan Amrabat uusan diidaneyn fikiradda  ah in mar uun uu ku biiro doono Liverpool

Liverpool aad ayay u xiiseyneysaa saxiixa Sofyan Amrabat  balse loollan adag ayay la kulmayaan Inter Milan iyo Tottenham waxa uuna 26 sano jirkaan hishiiskiisa Fiorentina uu dhacayaa xagaaga 2024-ta

Arintaan ayaa imaaneysa xilli Liverpool horay ula kulmeen wakiilka laacibka waliba u muujiyeen in ay si weyn ula dhacsan yihiin qadkaas dhexe waxaana fikradda ah in lala soo hishiiyo ka dambeeya macalin Klopp

Fiorentina ayaa dhankeeda tilmaantay in laacibkooda Sofyan Amrabat uga kaaftoomi karaan kaliya aduun 40 milyan oo euro

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here