Aduunka Oo Maanta laga Xusayo Maalinta Xuquuqda Aadanaha

0
144

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Maalinta Xuquuqul Insaanka waxaa la xusaa sanad walba 10ka Diseembar – maalinta Golaha Guud ee Qaramada Midoobay uu ansixiyay, Taariikhdu markeey aheyd 1948-kii, Baaqa Caalamiga ah ee Xuquuqda Aadanaha (UDHR).

UDHR waa dukumeenti muhim ah, kaas oo ku dhawaaqaya xuquuqda lama-guuraanka ah ee qof kastaa uu xaq u leeyahay bini’aadan ahaan – iyadoon loo eegayn jinsiyad, midab, diin, jinsi, luqad, siyaasad ama fikrad kale, asal qaran ama bulsho, hanti, dhalasho ama xaalad kale, waxaa lagu heli karaa in ka badan 500 luqadood, waa dukumeentiga ugu tarjumaada badan  adduunka.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here