Man United Oo Ciyaartay, Cadiz ayaa Cirka U Dirtay

0
143

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Waxa lagu jiraa fasaxa maalintii 2-aad ee koobka adduunka iyada oo xulalka 8 dhamaadka isugu soo hadhay isku diyaarinayaan qaybta dambe ee tartanka.

Dhinaca kale waxa soo laabanaya kooxaha kala duwan ee reer yurub kuwaas oo bilaabay isku diyaarinta qaybta dambe ee xilli ciyaareedka.

Man United oo Spain u joogta isku diyaarinta qaybta dambe ee xilli ciyaareedka ayaa xalay kulan saaxiibtinimo la ciyaartay kooxda Cadiz.

Red Devils ayaa ciyaarta ku bilowday xiddigo u badan da’yar inkasta oo ay ku jireen xiddigo kooxda 1-aad ah kuwaas oo aan aadin koobka adduunka.

Kooxda Cadiz ayaa xasuuq 4/2 ah kula kacday Man United kuwaas oo laba shax oo kala duwan ku soo gashay labada qaybood ee ciyaarta

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here