Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Ronaldo ayaa muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay in qarankiisa gaaray wareegga 8-da ee koobka aduunka
Inkastoo uu badal dhamaadkii ku soo galay , hadana Ronaldo fal celinno cajiib ah ayuu sameeynayay kulammaa saaxibadiisa gool dhaliyaan wax ayna xalay ku badiyeen 6/1 oo ay Siwss ku reebeen
Barahiisa bulshada ayuu Ronald ku soo qoray” maalin wacan ayay u aheyd Portugal , natiijo taariikhda koobka aduunka galeysa ayay aheyd”.
” Dhaliyarada Portugal bandhig cajiib ah ayay sameeyeen , hambalyo qarankeyga , riyada waa ay nooshahay ,wadada koobka aduunka ayaa inoo muuqda , ilaa dhamaadka waan dagaalameynaa” ayuu raaciyay Ronaldo
Portugal waxa ay wareegga 8-da isku arkayaan Morocco oo xalay rigoorayaal ki reebay Spain