Weerar toorrey loo adeegsaday oo ka dhacay Jarmalka

0
139

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Gabar 14 jir ah ayaa geeriyootay mid kale oo 13 jir ahna dhaawac daran ayaa soo gaaray kaddib markii uu weerar ku qaaday nin toorrey ku hubeysnaa xilli ay u socdeen iskuulkooda oo ku yaalla koofurta Jarmalka.

Booliiska ayaa sheegay in ninka laga shakisan yahay uu shalay ka soo baxay xero qaxooti oo ku taalla xaafadda Illerkirchberg.

Gabadha weyn ayaa dhaawaca ugu geeriyootay isbitaalka.

Booliiska Jarmalka ayaa xiray ninkan oo 27 jir ah, oo sida ay sheegeen an magangalyo-doon ka soo jeeda Eritrea.

Gabadha 13 jirka ah oo dhaawac daran uu ka soo gaaray weerarka ayaa waxay wararku sheegayaan in haatan la dabiibayo oo nafteedu aysan khatar ku jirin.

Ninkan ayaa weerarka kaddib dib ugu laabtay xerada, booliiska ayaana sheegay inay ku qabteen mindi loo maleynayo inuu weerarka u adeegsaday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here