Baydhabo (Radio Arlaadi)- Waxaa magaalada baydhabo ee xaruunta gobalka baay lagu qabtey Shir ay isugu yimaadeen laamaha Amniga degaanada konfur galbeed soomaaliya , waxana shirkan shir gudoominayey wasiiraka wasaarada Aminga gudaaha dowlad goboleedka koonfur galbeed somaaliya Mudane Isaaq Ali subag.
Waxaana ka soo qeyb galey taliyo ku xigeenka ciidanka xooga qeybta lixdanaad ,taliyaha ciidaanka daraawiishta koonfur galbeed somaliya iyo taliyaha booliska koonfur galbeed somaliya iyo saarakiil kale.
Shirkan inta uu socday waxaa loogu hadlay xoojinta amaanka bulshada iyo dalka, waxyaabaha laga soo saarey ayaa waxaa ka mid ahaa Awaamiirta ciidanka isticmaalo daroogada iyo weliba kuwa ciyaara qamaarka.
Wasiirka wasaarada Amniga koonfur galbeed somaliya mudane Isaaq Ali Subag ayaa uga horeen la hadley warbahinta waxaa uuna ka warbixiyey wax yaabaha laga soo saarey shirkan inta uu socodey.
Radio Arlaadi:- Maryan Macalin Abshir