Bahda Cadaalada Gobolka Baay OO Maaanta Baydhabo Tababar loogu Furey.

0
405

Baydhabo (Radio Arlaadi)- Guddomiyaha Baarlamanka Dowlad Goboleedka KGS Mudane Abdikadir Shariif Sheekhuna Maye ayaa Tababar kusaabsan Habraaca Qaadista Dacwadaha Ciqaabta iyo Madaniga ayaa Maaanta Baydhabo ugu daha Furey Bahda Cadaalada Gobolka Baay, Kaasi oo socon doono Mudo Isbuuca ah .

Waxana ka soo qeyb galey Guddomiyaha Maxkamada Sare KGS. Wasiiro Ka tirsan Koonfur Galbeed , Bahda Garsooka , Ururka Qareenada , Saraakiil ka Tirsan Ciidanka Asluubta Xeer Ilaaliyaasha Koonfur Galbeed Iyo Marti Sharaf Kale.

Gudoomiyaha Maxkamadda Sare ee Dowlad Goboleedka KGS Mudane Ahmed Ali Muuse oo Tababarkan soo qaban qaabiyay ayaa Ka warbixiyay Ujeedada Tababarka iyo Waxyaabaha lagu Bari doono Bahda Cadalada Kgs .

Gudoomiyaha Baarlamanka Dowlad Goboleedka KGS Mudane Abdikaadir Shariif Sheekhuna Maye oo si rasmi ah udaha Furey Tababarka ayaa Bogaadiyay Sida wanagsan Wax looga qabtey baayihii Garsoor ee ka jirey Kgs isagoona umahadceliyey Gudoomiyaha Maxkamadda Sare Kgs iyo Wasaradda Garsooka iyo Cadaalada KGs.

Radio Arlaadi:- Aadan Geesey

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here