Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Man City ayaa kulan adag oo horyaalka ah waxa ay la ciyaarayaan Leicester City xilli Haaland xaaladiisa dhaawac la qiimeynayo kaasi oo badal uga baxay kulankii Dortmund ee Champion-ka
Xogta Kulanka
*Manchester City ayaa badisay sagaal ka mid ah 11-kii kulan ee ugu dambeeyay Premier League, waxayna sameyn kartaa afar guul oo xiriir ah oo ay Leicester ka gaarto markii ugu horeysay tan iyo 1934 ilaa 1950.
*City waxa ay sidoo kale badiyeen seddexdii kulan ee ugu danbeysay ee ay booqdaan King Power Stadium iyagoo aan wax gool ah laga dhalin.
*Foxes ayaan laga badinin seddex kulan oo horyaalka ah, waxaana ay u tartamayaan inay badiyaan seddex kulan oo xiriir ah markii ugu horeysay tan iyo bishii Janaayo ee sanadkii hore.
*Vardy ayaa sideed gool ka dhaliyay Premier League Manchester City, kaliya goolal intaaska badan waxa uu ka dhaliyay Arsenal iyo Watford.
*Manchester City ayaa badisay kaliya seddex ka mid ah sideedii kulan ee ay ku ciyaartay meel ka baxsan garoonkeeda tartamada oo dhan xilli ciyaareedkan (4-bar-baro, iyo 1 guul darro).