Booliska Nigeria oo baadigoobaya aabe gacanta ka jabiyay wiilkiisa oo laba bilood jira.

0
155

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Ciidamada amaanka Nigeria iyo kooxaha u dooda xuquuqul insaanka ayaa raadinaya aabe si bareer ah gacanta uga jabiyay canugiisa oo labo bilood jir ah, sababta ayaana lagu sheegay in aabuhu dhibsaday oohinta ilmaha yar.

Ninkan oo magaciisa lagu sheegay Confidence Amatobi, kana soo jeeda gobolka Imo ee koonfurta Nigeria, ayaa baxsaday kadib markii uu falkaasi gaystay.

Si kastaba ha ahaatee, hay’adaha xuquuqul insaanka ayaa ugu baaqay maamulka gobolka Imo iyo booliiska inay soo qabtaan Amatobi.

Tan iyo markii uu falkaan dhacay, ma jirto cid ka war heshay aabaha dhalay cunuga yar oo ka cararay gurigiisa ka dib markii uu ogaaday baaxadda dambiga lagu eedeeyay inuu geystay.

Sanadkii hore, lamaane ayaa wiilkooda u dilay madax adayg isla gobolkan Imo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here