Dab ka kacay buurta ugu dheer Afrika

0
194

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi) Mas’uuliyiinta dalka Tanzania ayaa la daalaa-dhacaya daminta dab ka kacay buurta ugu dheer Afrika ee Kilimanjaro.

Dabka ayaa bilowday habeenkii Jimcaha gaar ahaan wuxuu saameeyay keymaha ku yaalla agagaarka buurta Lamana ogo waxa sababay dabkan.

Shaqaalaha dab damiska ayaa isku dayayaa inay dambiyaan dabka tan iyo Jimcihii.

ilaa hadda lama ogo khasaaraha ka dhashay dabka iyo baaxadda uu gaarsiisan yahay keymaha uu baabi’iyay dabka.

Ma ahan markii ugu horreysay uu dab ka kaco buurta Kilimanjaro ee Tanzania.

Sanadkii 2020-kii ayay aheyd markii keymaha buurta uu saameeyay dab socday toddobaad kaasoo baabi’iyay dhul gaarayo kumannaan hektar.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here