Ra’iisal wasaaraha Ingiriiska oo is casishay

0
127

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Ra’iisal wasaarihii Ingiriiska Liz Truss ayaa sheegtay inay iska casishay xilka ra’iisul wasaaraha Britain, iyada oo noqoneysa ra’iisul wasaarihii ugu muddada gaabnaa taariikhda Britain.

Truss ayaa sheegtay in aysan qaban Karin waxyaabaha horyaalla ee loo doortay

Tobaneeyo wariyeyaal ayey ka hor sheegtay inay xafiiska timid, xilli ay jirto “xasilooni darro dhaqaale iyo mid caalami ah.

Waxey intaa ku dareen inay sii hayn doonto xilka ra’iisul wasaaraha inta laga dooranayo qofka bedeli doona.

Doorashada hoggaan cusub ayaa lagu soo geba-gebeyn doonaa toddobaad gudihiis.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here