Maxkamad ku taalla Sacuudiga oo xukun adag ku riday shaqsi ku dhaliilay baraha Bulshada

0
141

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi) Muwaadin Mareykan ah ayaa lagu xiray Sacuudiga, waxaana lagu xukumay 16 sano oo xarig ah, kaddib qoraal uu ku dhaliilay boqortooyada soo dhigay bartiisa Twitter-ka, isagoo ku sugan Mareykanka

Sa’ad Ibrahim Almadi oo 72 jir ah oo ah maareeye mashruuc oo shaqada ka fadhiistay kuna nool Florida, ayaa la xiray bishii la soo dhaafay isagoo booqanaya boqortooyada sacuudiga, waxaana la xukumay horaantii bishan

Wiilkiisa Ibraahim ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Associated Press u xaqiijiyey xariga aabihiis

Almadi waa muwaadin ka soo jeeda Sucuudiga balse heysta dhalashada Mareykanka, Ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha Sacuudiga

Ibrahim waxa uu sheegay in aabihiis loo xiray qoraalo todobadii sano ee la soo dhaafay uu ku baahiyey barta Twitterka kuwaasoo inta badan lagu dhaleeceeynayey siyaasadaha dawladda sacuudiga. Waxa uu sheegay in Aabihii aanu ahayn dhaqdhaqaaqe balse uu ahaa muwaadin gaar ah oo cabiraayey fikirkiisa intii uu ku sugnaa dalka Maraykanka
Ku xigeenka Afhayeenka Wasaaradda arrimaha dibadda ee Mareykanka Vedant Patel oo wariyaasha kula hadlayay Washington, ayaa xaqiijiyay xarigga Almadi Talaadadii.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here