Dab khasare geystay oo kacay Xabsi ku yaala Iran

0
149

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Xabsi caan ah oo kuyaalla magaalada Tehran ee caasimadda dalka Iran, ayaa waxaa ka kacay dab xooggan oo dhaliyay khasaaro kala duwan, waxaana goobta uu kuyaallo xabsigan laga arkayay holac iyo uuro ka baxeysa.

Muuqaalo iyo sawirro laga soo qaaday xabsiga ayaa muujinayay holaca ka baxayay xabsiga.

Xabsiga Evin ayaa caan ka ah dalka Iran, waxaana xabsigan oo kuyaalla magaalada Tehran inta badan lagu xiraa siyaasiyiinta mucaaradka, suxufiyiinta iyo sidoo kale dadka kale ee ajaaniibta ah.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in maxaabiista xabsiga ku xiran gubeen qeybo kamid ah xabsiga, waxaana arrintan warbaahinta qaar sheegayaan in ay daba socoto dibad baxyada rabshadaha wata ee ka socda Iran.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here