Koox Ruushka taageersan oo weerar dhinaca Internet-ka ah ku qaaday garoomada Maraykanka

0
152

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Mareegaha internetka ama websites-ka ee qaar ka mida garoomada diyaaradaha ee waaweyn ee dalka Maraykanka ayaa hawada ka baxay ama culays badan dareemay, Isniintii, taasoo u muuqata inay tahay weerar abaabulan oo lala beegsaday.

Masuuliyiinta Maraykanka ayaa sheegay inaanay tallaabadani saamayn ku yeelan duulimaadyadii caadiga ahaa.

Weeraradan ayaa daba socday, ka dib baaq ay soo saareen koox taageersan dalka Ruushka oo isku magcaabay Killnet, kuwaas oo sheegay inay qaadayaan weeraro abaabulan oo hakinaya isticmaalka adeegyada ee goobaha ay bartilmaameedsadaan. Kooxdan ayaa barta ay ku leedahay Telegram waxay ku soo daabacday, bartilmaameedyo u qorshaysan inay weeraraan.

Sidoo kale mareegta garoonka caalamiga ah ee Los Angales ayaa la jabsaday, qaybtiisa dadweynaha, iyada oo aan kooxdu ku guulaysan inay u dhacaan qaybta gudaha ee garoonka la shaqaysa.

Afhayeen u hadlay madaarka caalamiga ah ee Los Angeles ayaa sheegay in madaarkoodu uu dhacdadan la wadaagay hay’adda FBI iyo kooxda qaabilsan ammaanka madaarada ee TSA.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here