Xaqiiqooyinka Laga Diwaan Galiyay Kulamadii Champions League Ee La Ciyaaray Xalay

0
151

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi) Waxa xalay la soo afjaray kulamadii 4-aad ee wareega Group-yada tartanka champions League kulamo xiiso iyo xamaasad lahaa.

Kooxaha Bayern Munich, Liverpool iyo Tottenham ayaa guulo gaadhay xilli ay Barcelona bar-baro niyad jab leh kala kulantay kooxda Inter Milan.

Hadaba waxa aan halkan ku soo bandhigi doonaa xaqiiqooyinka laga diwaan galiyay kulamadii xalay ee champions League.

1.Xiddiga Giacomo Raspadori ayaa noqday xiddigii 3-aad ee reer Italy ah ee gool dhaliya saddexdiisii kulan ee ugu horeeyay champions League kadib Alessandro Del Piero & Fabrizio Ravanelli.

2.Ajax ayaa laga dhaliyay 12 gool 3-dii kulan ee ugu dambeeyay tartamada oo dhan xilli ciyaareedkan (6 vs Napoli, 2 vs FC Volendam, 4 vs Napoli), tani waa goolashii ugu badnaa ee laga dhaliyo 3 kulan tan ilaa November 1964.

3.Club Brugge ayaa ah kooxda kaliya ee reer Belguim ee taariikhda champions League iska xaadirisa wareega 16-ka kadib KAA Gent oo sidaas samaysay 2015/2016.

4.Simon Mignole ayaa sameeyay 14 badbaadin labadii kulan ee uu ka hor tagay Atletico Madrid waana badbaadinada ugu badan ee uu Goolhaye sameeyo xilli ciyaareed kale.

5.Roberto Firmino ayaa dhaliyay 2 gool markii 2-aad tartanka champions League waa xiddiga 2-aad ee 2 gool dhaliyay kulamo kala duwan tartanka kadib Mohamed Salah oo sidaas smaeeyay isaguna.

6.Xiddiga Roberto Firmino ayaa sameeyay caawinta uu badan goolasha Liverpool taariikhda kooxda ee champions league isaga oo sameeyay 12 caawin isaga oo la bar-baro ah Steven Gerrard & James Milner.

7.Mohamed Salah ayaa dhaliyay saddexelydii ugu dhakhsaha badnayd taariikhda champions league waxana ay ku qaadatay 6 daqiiqo iyo 12 il bidhiqsi.

8.Xiddiga Diogo Jota ayaa caawiyay dhamaan 3-dii gool ee uu dhaliyay Mohamed Salah, waana xiddigii ugu horeeyay ee saddexley caawiyay champions League tan ilaa markii uu Franck Ribery caawiyay 3 gool oo uu dhaliyay Mario Gomez sanadkii 2012.

9.Robert Lewandowski ayaa dhaliyay 14 gool tartamada oo dhan xilli ciyaareedkan, kaliya Haaland oo dhaliyay 20 gool ayaa ka badan xiddiga reer Poland.

10.Ousmane Dembélé ayaa dhaliyay goolkiisii 3-aad ee xilli ciyaareedkan tartamada oo dhan kadib 12 kulan, waxana uu ka badna yahay goolashii uu dhaliyay xilli ciyaareedkii hore oo dhan 32 kulan markaas oo uu dhaliyay 2 gool.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here