Arsenal Oo Ka Talaabsatay Liverpool

0
142

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Ka dib ciyaar kalsooni iyo dhiiranaan ay ku soo galeen Arsenal ayaa guul ka gaartay Livrpool oo ay uga talaabsadeen sedex gool iyo laba

Sheekada ciyaarta , qeybta hore , Arsenal ayaa nasiinada ugu dirtay Liverpool 2/1 ka dib ciyaar si isugu jacsbursaneyd waxa ayna Arsenal gool-ka 1-aad ku dhaliyeen 58 il biriqsi

Ka dib bandhig fiican ay sameeyeen kubaddana waa ay gaaarsiinayeen aagga goosha Liverpool , xilli kooxda Klopp laba fursad gool noqon kartay uu u diiday goolhayaha Arsenal

Arsenal waxa ay ku fiicnaayeen cadaadiska iyo baacsiga kubadda  halka Liverpool ka  sheeganayeen sameynta   masaaxooyin daafacoodana si ayuu u kala fogaa , waxa uuna goolka Arsenal yimaadeen waqtigii dheeriga ee dhamaadka ciyaarta.

Liverpool afkaartooda waxa ay ahaayeen mid la aqrisan karo kulamaa ay isku dayaan in kubadda soo dhisaan xilli Arsenal qeybtaas xarfaan ku ahaayaan habka kubad xoogista , waxa uuna goolka Liverpool daqiiqaddii 34-aad waxaana saxiixay Nunes ka dib kubad uu ka shaqeeyay Diaz kaasi oo dhaawac looga saaray ciyaarta daqiiqadii 42-aad lagu badalay Roberto Firmino

Soo laabashadii Arsenal cadaadis ayay ku bilaabeen kubadana waa ay gaasriinayeen goosha Livperpool balse waxa ay iloobeen  daafaca oo  si ka bad badis ah ayay u soo baxayeen ilaa Firminho ku helay gool cajiib ah daqiiqadii 53-aad

Ka dib dhacdadaas , kubadda waa u furneyd labada dhinac , kubad raacasho leh ayay ciyaarayeen .

Arsenal cadaadisa waa ku fiicnaayeen waana mid aan horay looga baran ilaa ay heleen rigoore ka dib qalad alcantara uu ku galay Jesus waxaana laaday oo shabaqa dhigay Saka daqiiqadii 75-aad

Liverpool dabacsanaan qada dhexe iyo daafaca ayaa ka muuqday , waxa ayna ciyaarta ku dhamaatay 3/2 oo ay Arsenal ku garaacday Liverpool

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here