Hordhac: Everton Vs Man United

0
140

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi) Kooxda Man United ayaa marti u noqon doonta kooxda Everton kulan ka tirsan todobaadkii 9-aad ee horyaalka premier League kulan ka dhici doona garoonka Goodison Park.

Man United ayaa kulanka soo galaysa iyada oo doonaysa in ay ka soo kabsato guuldaradii weynayd ee ay kala kulantay Man City todobaadkii hore kuna soo laabato wadada guulaha.

Dhinaca kale Everton ayaa kulan soo galaysa iyada oo guul gaadhay labadii kulan ee ugu dambeeyay sidoo kale bilaa guuldaro ah 5-tii kulan ee ugu dambaysay premier League.

Kulanka: Everton Vs Man United

Tartanka: Premier League

Wakhtiga: 9:00

Garoonka: Goodison Park.

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Kadib guushii 1/0 ahayd ee ay ka gaadhay Man United bishii April, Everton ayaa raadinaysa in ay guusheedii 2-aad oo xidhiidh ah ka gaadho man United premier League markii ugu horaysay tan ilaa 2013/2014 markaas oo ay 2 kulan ka badiyeen United.

Man United ayaa badisay kaliya hal kulan 7-dii kulan ee ugu dambeeyay ee ay la ciyaartay Everton kulamada martida iyada oo guushaas ahayd bishii November 2020.

Everton ayaa badisay labadii kulan ee ugu dameeyay premier League kadib markii ay markii hore badisay kaliya hal kulan 10-kii kulan ee ugu dambeeyay, markii ugu dambaysay ee ay 3 kulan oo xidhiidh ah badiyeen waxa ay ahayd bishii March 2021.

Man United ayaa laga badiyay 8 ka mid ah 10-kii kulan ee ugu dambeeyay ee ay martida ahaayeen premier League iyaga oo dhaliyay goolashii ugu badanaa ee ay ciyaareen premier League iyaga oo marti ah kulankii ay Man City kala kulmeen guuldaro 6/3.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here