Arsenal Oo Guul Europa League Ah Ka Gaartay Kooxda Reer Norway Ee Bodo

0
143

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Arsenal ayaa guul ka gaartay kooxda reer Norway ee Bodo waxa ayna uga talaabsadeen sedex gool xilli ay wada ciyaarayeen kulan ka tirsan Europa League

Qeybta koowaa Arsenal ayaa si wacan u maamushay kubadda waxa ayna nasiinada ugu direen laba gool oo nadiif ah .

Cadaadiska iyo baasaska waa ay ku fiicnaayeen xilli kooxda Bodo ku wacnayeen rogaal celiska , mararka qaarna halis ayay ahaayeen

Arsenal waxaa ka muuqatay is fahan dhan waliba waa ayna foojignaayeen

Soo laabashadii , Bodo waa ay wacnaayeen waliba mararka qar kubdo halis ah ayaa laga bad baadinayay , kaliya waxa ay ka sheeganayeen go`an qaadasho deg deg ah .

Arsenal birta waa hor taagneyd inkastoo hanaan ciyaareedkooda uu ka hooseeyay midkii qeybta hore , sidaas oo ay tahay waxaa jirtay fursado ay qasaarinayeen

Bodo waxa ay dhamaakdii ku fiicnaayeen in kubadda gaarsiiyaan aagga goosha Arsenal balse dhameystirka ayaa ka maqnaa.

Dhamaadkii ka dib kubad uu sii cajiib ah u farsameeyay Jesus waxaa gool u badalay  Vieira daqiiqadii 84-aad waxaayna ciyaarta ku dhamaatay sedex gool oo nadiif ah , waxaana kala saxiixay Nketiah , Holding iyo Fábio Vieira

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here