Digniin laga soo saaray sharoobbooyin qufaca ah oo caruur ay ku dhinteen

0
135

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Digniin caalami ah ayaa laga soo saaray ilaa far sharoobbo, kaddib markii Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO) ay sheegtay in lala xiriirinayo dhimashada 66 carruur ah oo ka dhacday dalka Gambia.

Sharoobbooyinka oo ay soo saartay warshadda Maiden Pharmaceuticals oo ku taalla Hindiya ayaa la sheegay inay dhaawac halis ah u gaysan karaan kelyaha.

Warshadda ilaa hadda wax war ah kama aysan soo saarin arrinta.

BBC-du waxay isku dayday inay xiriir la sameyso si ay jawaab uga hesho warshadda.

Saraakiisha Hindiya ayaa sheegay inay waydiisteen WHO inay la wadaagto caddeyn isku xireysa sharoobbooyinka iyo dhimashada.

Magacyada sharoobbooyinka ay WHO xustay waxay kala yihiin Promethazine Oral Solution, Kofexmalin Baby Cough Syrup, Makoff Baby Cough Syrup iyo Magrip N Cold Syrup

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here