Tobaneeyo qof oo ku dhintay isbuurasho ka dhacday ciyaar kubadda cagta ah

0
160

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Booliska ayaa sunta dadka ka ilmeysiisa ku riday ka dib markii ay taageerayaashu galeen garoonka ku yaala bariga Java, taasoo keentay is jiid jiid ay ku dhinteen in ka badan 100 qof.

Booliiska Indonesia ayaa sheegay in ugu yaraan 129 qof ay ku dhinteen tobanaan kalena ay dhaawacmeen ka dib markii dad badan ay isku dhaceen rabshado ka dhacayay ciyaar kubadda cagta ah oo ka socotay gobolka Bariga Java.

War qoraal ah oo ay soo saareen manta oo axad ah ayay booliisku ku sheegeen in taageerayaasha kooxda Arema FC ay xoog ku galeen garoon ku yaala bariga magaalada Malang ka dib markii kooxdoodu ay 3-2 ku garaacday Persebaya Surabaya habeenkii sabtida.

Booliska ayaa sheegay in ay isku dayeen in ay taageerayaasha ku qanciyaan in ay ku soo laabtaan tarabuunka waxayna ku rideen sunta dadka ka ilmeysiisa si ay u xakameeyaan “rabshadihii” ka dib markii laba askari la dilay. Boqolaal taageereyaal ah ayaa markaas u cararay albaabka laga baxo si ay uga fogaadaan sunta dadka ka ilmaysiisa. Qaar baa ku neef-qabatoobay fowdadii, qaar badana waa lagu tuntay.

“Soddon iyo afar qof ayaa ku dhintay gudaha garoonka inta soo hartayna waxay ku dhinteen isbitaalka,” ayuu yiri madaxa bilayska ee Bariga Java Nico Afinta.

Tirada dhimashadu waxay u badan tahay inay weli sii kordhayso, ayuu yidhi, maadaama dad badan oo tiro ahaan gaaray ​​180 kuwaas oo dhaawacan xaaladooda ay sii xumaanayso.

Agaasime ka tirsan cisbitaalka ayaa u sheegay telefiishanka maxaliga ah in mid ka mid ah dhibanayaasha uu ahaa shan jir.

Dowladda Indonesia ayaa raaligelin ka bixisay falkaasi, waxayna ballan qaaday inay baaritaan ku sameyn doonto xaaladihii ka dhashay isbuurashada.

Rabshadaha taageerayaashu waa dhibaato joogto ah oo ka jirta Indonesia, iyada oo loolan xooggan uu ka dhexeeyo naadiyada mararka qaarkoodna horseeda rabshado ka dhex dhaca taageerayaasha. Arema FC iyo Persebaya ayaa ah kuwo muddo dheer xifaaltamay,

Xiriirka Kubadda Cagta Indonesia (PSSI) ayaa hakiyay ciyaaraha kubbadda cagta ee horyaalka ugu sarreeya Indonesia, BRI Liga 1, muddo hal toddobaad ah.

Sidoo kale waxa ay kooxda Arema FC ka mamnuucday in ay marti galiso ciyaaraha garoonkooda inta ka hadhay xilli ciyaareedka waxana ay sheegtay in ay koox baadhis ah u diri doonto Malang si ay u soo cadeeyaan waxa sababay Rabshadahan Sababay dhimashada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here