Mid ka mid ah shirkadaha isgaarsiinta Australia oo la jabsaday.

0
174

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi) Dawladda Australia ayaa ka codsatay hay’adda dembibaadhista ee Maraykanka ee FBI inay ka gacan siiso sidii loo soo qaban lahaa budhcadda computer-ada jabsata, kuwaas oo dhowaan u dhacay ama jabsaday computer-ada dalka Australia, isla markaana ka xaday xogtii ugu badnayd.

Budhcadda internetka ayaa jabsaday computer-ada shirkada isgaadhsiinta Optus ee laga leeyahay dalka Singapore, iyaga oo ka xaday macluumaadka illaa 10 milyan oo macaamiil ah, waxaana xogta ay xadeen ku jira cinwaanada guryaha, xogta liisanka gaadiidka iyo macluumaadka baasaboorada ee macaamiishaas.

Kooxaha budhcadda internetka ee xaday macluumaadka macaamiisha shirkadda Optus ee ka hawlgasha Australia ayaa shirkaddaas ka doonaya lacag madax furasho ah.

Hay’adda FBI ayaa haatan ku soo biirtay, ugaadhsiga kooxda budhcadda ah ee shirkadda jabsatay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here