Shir Loogu hadlayay Xaalada Abaaraha Soomaaliya Oo Muqdisho Lagu qabtay

0
168

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Feredaalka Soomaaliya Mudane Salah Jama, oo maanta guddoomiyay shir heerkiisu sareeyo oo looga hadlayay gurmadka abaaraha, ayaa caddeeyay inaan waqti dambe harin oo lagama maarmaan tahay in la dardargeliyo gurmadka abaaraha si loo badbaadiyo dadka Soomaaliyeed ee ay abaartu saameysay.
“Waxa aan rajeynaynaa in la taabba-geliyo nidaam wada-shaqayneed oo xooggan kaas oo si wada-jir ah looga falcelinayo xaaladda abaarta iyo isbeddelka cimilada, iyadoo la hubinayo matalaad buuxda lagana hortagayo in ay isku beegmaan dadaalladaa kala duwani”
Mudane Saalax Axmed Jaamac oo furitaankii shirka uga mahad celiyey taageerada caalamka ee la xiriirta gurmadka abaaraha ayaa sheegay in Soomaaliya ay wajaheyso xaalad abaareed oo aad u daran taas oo saameysay 8 milyan oo qof iyo 17 milyan oo xoollo ah, lagama maarmaanna ay tahay in si dhaqsa ah xaaladda abaarta wax looga qabto inta aanay ka darin.
Kulanka ayaa lagu soo bandhigay saameynta ka dhalatay abaarta, heerka gargaarka socda, iyo xaaladaha la filan karo hadii aan wax qabad dhab ah lala imaan, waxaana dhammaan mas’uuliyiintii ka hadlay ay caddeeyeen muhiimadda ay leedahay in wadajir looga shaqeeyo qaabkii Soomaaliya looga saari lahaa abaartaan daranee dad iyo duunyaba saameysay.
Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka, ayaa caddeeyay in dowladda Soomaaliya ay horay u qaadday tillaabooyin muhiim u ah gurmadka abaaraha, ayna qaadatay door hoggaamineed oo wax ku ool ah, waxuuna xusay in cid waliba oo xilligan adag garab istaagta shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay u heyn doonaan abaal weyn oo aan duugoobin.
Shirka oo ay goobjoog ka ahaayeen wakiilka qaramadamidoobay, deeq bixiyaasha, safiirro iyo mas’uuliyiin kale oo hey’addaha caalamiga ah ka socda, ayaa waxaa Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ku wehlinayay qaar ka mid ah wasiiradda xukuumadda Dan-qaran

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here