Haweeneey ka been sheegtay afduubkeeda oo ciqaab muteysatay

0
109

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi) Haweeney ku nool Gobolka California ee dalka Mareykanka oo ka been sheegtay in la afduubay ayaa lagu xukumay 18 bilood oo xarig ah, kadib markii ay hadallo been abuur ah u gudbisay FBI-da.

Sherri Papini, oo 39 sano jir ah, ayaa la waayay meel ay jaan yo cirib dhigtay ka dib markii ay baxsatay.

Sherri ayaa la helay saddex toddobaad ka dib markii la waayay iyadoo ku andacoonaysa in laba dumar ah oo Isbaanish ah ay afduubteen, taasoo dhalisay in ay howgal sameeyeen hay’adaha kala duwan ee ammaanka.

Laanta dambi baarista Mareykanka ee FBI-da ayaa markii dambe waxa ay baaritaanadeeda ku ogaatay in ay joogtay guri nin ay horey saaxiibbo u ahaayeen islamarkaana jirkeeda ay dhaawac u geysatay taasi oo qeyb ka ahayd qorshaheeda been abuurka.

Iyadoo ku sugan maxkamad ku taalla Sacramento ayay Isniintii raaligelin ka bixisay falkeeda, iyadoo sheegtay inay gashay dambiga ah inay been sheegtay ayna ku kacday fal “sharaf darro ah.” “Aad baan uga xumahay dad badan oo aniga dartey u dhibtooday, dadkii doonayay inay i caawiyaan waqti aan aad ugu baahnaa ,” ayay tiri, iyadoo akhrinaysa qoraal la soo diyaariyay.

“Waxaan door-bidey in aan aqbalo dhammaan masuuliyadda,” ayay intaa ku dartay. Sida uu dhigayo heshiis bishii Abriil lala galay xeer-ilaaliye, Papini waxa ay qirtay dambiga ah in ay been sheegtay ayna marin-habaabisay hay’adaha federaalka. Qareenkeeda William Portanova ayaa maxkamadda u sheegay in sanado badan oo xanuun ah ay soo martay Sherri taasi oo dhibaato u geysatay.

Mr Portanova ayaa codsaday in xabsiga laga qafiifiyo, isagoo oo sheegay in xukun uu ugu filan yahay bahdilaadda uu nafteeda u geystay falka ay ku kacday.

Iyada oo la eegayo qirashada ay dambiga qiratay ayay dacwad oogayaasha waxay dalbadeen in xukunka laga qafiifiyo lagana dhigo inta u dhaxaysa siddeed ilaa iyo 14 bilood oo xabsi ah – taasi oo aad uga hooseeya xabsigii ay muteysan lahayd oo ahaa 25 sano oo xarig ah.

Papini ayaa sidoo kale aqbashay in ay bixiso lacag dhan $300,000, taas oo qayb ka mid ah ay dabooli doonto kharashaadka ku baxay intii ay baaritaanka wadeen booliiska .

Waxay sidoo kale qaadan doontaa saddex sano oo la kormeerayo oo xaaladeeda lala soconayo ka dib marka xabsiga laga sii daayo. Warka ku saabsan waayitaankeeda ayaa markii ugu horreysay soo shaac baxay bishii November 2016, markaasoo ninkeeda uu sheegay in la waayay kaddib markii ay ku guuldareysatay inay carruurtooda ka soo kaxeyso xarun xanaano oo ay ku jireen. Saddex toddobaad ka dib, waxaa la arkay iyada qabta nabaro islamarkaana waddada dhinaceeda taagan waxa ayna sheegtay in qori dhafoorka laga saaray ka dib-na la afduubtay. FBI-du waxay ugu dambeyntii bishii March ee sanadkan ay ogaadeen in arrinta oo dhan ay ahayd wax la soo agaasimay. Laanta dambi-baarista ee FBI ayaa sheegatay in Papini ay ku sugneyd guriga nin ay horey saaxib u ahaan jireen ayna ka been sheegtay afduubkeeda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here