Mareykanka oo ugu baaqay Sri Lanka inay wax ka qabtaan musuqmaasuqa

0
164

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi) Diplomaasi sare oo Maraykan ah oo booqasho ku tagtay dalka Sri Lanka Axaddii ayaa ku boorrisay masuuliyiinta dalkaasi inay wax ka qabtaan musuqmaasuqa oo ay soo bandhigaan isbedello dhinaca maamulka dawliga ah, taas oo hareer soconaysa hannaanka wax looga qabanayo dhaqaale burburka ku yimi dalkaas.

Samantha Power oo ah maamulaha hay’adda USAID ayaa warbaahinta u sheegtay in tallaabooynka nooca ahi inay kor u qaadayaan, kalsoonida ay dalalka caalamka iyo shacabka dalkaasiba ay ku qabaan ujeedooyinka iyo hiigsiga nidaamka dawliga ah.

“Kaalmada oo keliya ma soo afjari karto dhibaatada dalkan,” ayay tidhi Samantha Power, iyada oo hadlaka sii raacisay “Waxaan ku adkeeyay madaxweynaha Sri Lanka, kulankii aan maanta la qaatay, in loo baahan yahay dib u habayn siyaasi ah iyo isla xisaabtan siyaasadeed, inay hareer socdaan dib u habaynta dhaqaale iyo isla xisaabtanka dhaqaale” ayay tidhi Samatha Power.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here