Xoghayaha QM oo booqasho ku tagay dalka Pakistan oo fatahaad ay ku dhufatay.

0
146
Berlin, Germany - November 04: Antonio Guterres, High Commissioner for Refugees of UNHCR, attends a press conference in german foreign office on November 04, 2015 in Berlin, Germany. (Photo by Michael Gottschalk/Photothek via Getty Images)

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa booqasho ku tegey dalka Pakistan, si uu garab istaag ugu muujiyo dalka Pakistan ee la baaxaa degaya, dhibaatada ka soo gaadhay daadad ku fatahay dalkaas, kuwaas oo khasaare ba’an u geystay.

Antonio Guterres ayaa sheegay ‘in ka dib markii ay aadanuhu u nixi waayeen deegaanka, inay taasi keentay masiibooyinkan oo ah falcelinta uu sameeyey deegaanku’.

Xoghayaha Guud ayaa muddo laba maalmood ah ku sugnaan doona dalka Pakistan si uu u indha-indheeyo xaaladda bini’aadanimo ee halkaas ka jirta.

Xoghayaha ayaa sheegay in deegaanka ama daceebaddu ay tahay wax indho la’ oo mararka qaar aan bartilmaameedsan kuwa sida xun ula dagaalama ee ku xadgudba.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here