Haweeney loo xiray inay dishay arday si ay gabadheeda kaalinta koowaad u gasho

0
330

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi) Tartanka ka jira dugsiyada ayaa sii xoogaystay balse tusaaleyaal badan ayaa muujiyay in culayska tartankaas uu sidoo kale saamaynayo waalidiinta oo wiil yar ayuu hadda noloshiisa galaaftay tartankaas.

Haweeney ayaa go’aan ku gaartay inay disho wiil ka dhibco badan gabadheeda, wiilka yar ayaana sidaasi noloshiisa ku waayay.

Haweeneyda oo ku nool magaalada Puducherry ee gobolka Karaikal ayaa dishay wiil ay isku fasal ahaayeen gabadheeda. Haweeneyda ayaa kaniin ku dhex ridday sharaab uu cabayay ardayga. Waxaa la sheegay in markiiba isbitaal loola cararay oo xaaladdiisa ay ka sii dartay, uuna billaabay matag.

Dhaqaatiirtu waxay caddeeyeen inuu dhintay kaddib labo maalin oo isbitaalka lagu daaweynayay.

Sidee ayay arrintu u dhacday?

Wiilka iyo gabdhada hooyadeed lagu eedeeyay dilkiisa waxay wada dhiganayeen fasalka 8-aad, waxaana la sheegay in ardayga uu aad ugu fiicnaa waxbarshada iyo cayaaraha iskuulkaba.

Haweeneyda ayaa dareentay in gabadheeda aysan u furneyn fursad ay kaalin fiican ku gasho wiilka dartiis.

Markaas kaddib haweeneyda ayaa go’aansatay inay wiilka yar cabitaan ugu dhex-darto kaniiniyo kala duwan.

Markii ay isku qastay kaniiniyada iyo cabitaanka oo ku jiray dhalo yar ayaa waxay u dhiibtay waardiyaha iskuullka, waxayna u sheegtay inay wiilka siiyaan.

Waardiyihii iskuulka waxay u maleeyeen in wiilka qoyskiisa ay cabitaanka u keeneen, waxayna siiyeen wiilka, kaddibna wuu cabbay.

Markii uu wiilka tagay xaafadda waxa uu billaabay matag. Waalidiintiisa ayaa markiiba isbitaalka ula cararay.

Kaddib markii wiilka la seexiyay isbitaalka, waaliddiintiis iyo qaraabadiisa ayaa aaday iskuulka si ay u baaraan waxa ku dhacay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here