Australia oo isbeddel sameysay si ay dadka shaqo-doonka ah ay ugu soo dhaweyso dalkeeda

0
151

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi) Dowladda Australia ayaa markii ugu horreysay, muddo toban sano ah, kordhineysa tirada dadka ay u qaabileyso inay si rasmi ah u dagaan dalkeeda, si ay uga caawiyaan shaqaale yaraanta ka jirta waddanka.

Dadkan oo loo oggolaanayo inay dagganaanshaha abadiga ah ka qaataan Australia ayaa la doonayaa in ay wax ka qabtaan baahida shaqaale la’aanta.

War kasoo baxay dowladda ayaa lagu sheegay in sanadkan oo keliya la qaadanayo dad gaaraya 195,000 oo qof, tiradaas oo intii hore ka badan 35,000 oo qof.

Xakameynta cudurka safmarka ah ee Covid iyo ilaalinta xuduudaha Australia oo aad u adag ayaa sabab u noqday shaqaale la’aanta ka dhacday dalkaas oo ay ka baaqdeen dad badan oo horay u tegi jiray.

Qaar badan oo ka mid ah goobaha laga shaqeeyo ee dalkaas ayaa shaqaale la’aan ah, taasoo culeys cadaadis ku saratay dowladda in ay tallaabo qaaddo.

Waxaa ka mid ah xarumaha caafimaadka oo shaqaalaha caafimaadka ay ku baaqayeen in lala soo gaaro shaqaale dheeraad ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here