Arsenal oo wali ku dhaggan hoggaanka Premier League

0
180

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi) Arsenal ayaa wali ku dhaggan hoggaanka horyaalka Premier League kaddib markii ay guul soo laabasho oo 2-1 ah ka gaartay Aston Villa, kaddib ciyaar xiiso badan ay ku wada ciyaareen garoonka Emirates.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nasta 1-0 ay ku hoggaamineyay kooxda Arsenal.

Daqiiqadii 30-aad kooxda Arsenal ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta kaddib markii uu 1-0 ka dhigay weeraryahankooda reer Brazil ee G. Jesus.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

74 daqiiqo kooxda Aston Villa ayaa dhalisay goolka barbardhaca kaddib markii uu 1-1 ka dhigay laacibkooda Douglas Luiz.

Laakiin G. Martinelli oo caawin ka helay saaxiibkiis B. Saka ayaa daqiiqadii 77-aad markale hoggaanka u dhiibay kooxda Arsenal, wuxuuna dheesha ka dhigay 2-1.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku dhammaatay 2-1 ay kaga adkaatay Arsenal, kooxda Aston Villa oo marti u ahayd, Gunners ayaa wali horyaalka ku hoggaamineysay 2 dhibcood nadiif ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here