Barcelona oo guul ka soo heshay Real Sociedad, xilli Lewandowski uu furtay akoonkiisa goolasha ee Barca

0
172

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi) Barcelona ayaa guul ka soo heshay kooxda Real Sociedad oo ay ku booqatay garoonka Reale Arena, kaddib markii ay kaga soo adkaatay 1-4, ciyaar qeyb ka ahayd kulammada Isbuuca labaad ee horyaalka La Liga.

Qeybta hore ee ciyaarta ayeey labada kooxood Real Sociedad iyo Barcelona ku kala nasteen barbardhac 1-1 ah.

Bilowgii ciyarta Daqiiqadii 1-aad Barcelona ayaa durba hoggaanka u qabatay ciyaarta waxaana 0-1 ka dhigay Lewandowski, kaddib markii uu ka caawiyay saaxiibkiis Alejandro Balde.

Laakiin 6 daqiiqo marka ay dheesha mareysay Real Sociedad ayaa dhalisay goolka barbardhac kaddib markii uu 1-1- ka dhigay weeraryahankooda Alexander Isak.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

Daqiiqadii 66-aad Barcelona ayaa markale hoggaanka u qabatay dheesha kaddib markii uu 1-2 ka dhigay Ousmane Dembélé oo caawin qurux badan ka helay Ansu Fati.

Lewandowski oo ay caawin kaga timid Ansu Fati ayaa daqiiqadii 69-aad, wuxuu ciyaarta ka dhigay 1-3 ay ku hoggaamineysay kooxda martida ahayd ee Barcelona.

Daqiiqadii 79-aad Barcelona ayaa sii dheereysatay hoggaaminta ciyaarta kaddib markii uu 1-4 ka dhigay xiddigooda da’ada yar ee Ansu Fati.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku dhammaatay 1-4 ay kaga soo adkaatay Barcelona kooxda Real Sociedad oo ay ku booqatay garoonka Reale Arena.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here