Senate-ka Maraykanka oo ansixiyey xubinimada Sweden iyo Finland ee NATO

0
146

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Aqalka Senate-ka ee dalka Maraykanka ayaa ansixiyey xubinimada dalalka Sweden iyo Finland ee gaashaanbuurta NATO, waxaana codsiga ku biiritaanka labadan dal oggolaaday 95 mudane, halka uu diiday hal xildhibaan.

Tallaabadan ayaa diraysa fariin adag oo muujinaysa sida labada xisbi ee Jamhuuriga iyo Dimoqraadigu uga midaysan yihiin siyaasadda ku aaddan ku biirista labadan dal iyo weliba in laga hortago dullaanka Ruushka.

Maraykanka ayaa ka mid ah 30-ka dal ee xubnaha ka ah gaashaanbuurta NATO ee ku qasban inay ansixiyaan xubinimada dalalka Sweden iyo Finland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here