Arsenal Oo Ka Hadashay Wararka La Xidhiidhinaya Lucas Paqueta

0
189

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Agaasimaha farsamada ee Arsenal Edu ayaa ka fogeeyay kooxda inay u dhaqaaqayso saxiixa xiddiga khadka dhexe ee kooxda Lyon ee Lucas Paqueta.

Arsenal ayaa haatanba la soo saxiixatay xiddiga khadka dhexe ee kooxda Fabio Vieira Kaas oo ay kala soo wareegeen kooxda Fc Porto.

Laakiin waxa maalmihii ugu dambeeyay soo baxay warar sheegaya in ay Arsenal u dhaqaaqi doonto saxiixa xiddiga kooxda Lyon ee Lucas Paqueta suuqa xagaagan.

Lyon ayaa dalbanaysa lacag dhan 80 milyan oo euro si ay u iibiso xiddiga reer Brazil ee Lucas Paqueta kaas oo ku guulaystay xiddiga ugu fiican horyaalka France xilli ciyaareedkii hore.

Laakiin Edu ayaa sheegay in ayna Arsenal la soo saxiixan doonin xiddig khadka dhexe ah inta ka dhiman suuqa xagaaga kana mid yahay Pacqueta.

“Aad ayaan u ixtiraamayaa marka aan ka hadlayo Lucas”Edu ayaa u sheegay TNT Sport.

“Waa xiddig aan jecelahay, mar walba waan jeclaa isaga tan ilaa markii aan kala shaqaynayay xulka Brazil”.

“Laakiin ma jirto xiddigo khadka dhexe ah oo aan haatan doonayno in aan ku soo darayno kooxda”ayuu sii raaciyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here