Gabadh can ka ah TikTok oo guul u horseedday Imran Khan

0
147

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi) Manahil Mailk oo u dhalatay dalka Paakistan islamarkana ay ku xiran yihiin ciwaankeeda TikTok qiyaastii 8 milyan oo ruux ayaa guul u horseeday xisbiga ra’iisul wasaarihii hore ee Pakistan Imran khan oo ku guuleystay doorashadii ka dhacday gobolka Punjab.

Manahil ayaa ku doodday in maadaama ay tahay qof caan ka ah TikTok ay mas’uuliyad ka saaran tahay inay shacabka ku wargeliso waxa wanaagsan.

Xisbiga PTI ka hor, ururro kale oo siyaasadeed iyo kuwo diimeed ayaa TikTok u adeegsaday si ay fikradahooda ugu faafiyaan, teegeero dheeri ahna ugu raadsadaan.

Raysul Wasaarihii hore ee Pakistan, oo xilka laga qaaday kaddib markii uu baarlamaanka codka kalsoonida ka waayay, ayaa hadda u muuqda mid dib usoo labokacleeyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here