Tuchel oo diiday saxiixa xiddig muhiim ka ah Bayern Munich

0
152

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Tababaraha Chelsea ee Thomas Tuchel ayaa dajiyay saxiixyada uu mudnaanta siin doono inta ka dhiman suuqa kala iibsiga ee xagaagan.

Weriye ka tirsan wargeyska “Bild” ee Jarmalka ayaa sheegay in Tuchel uu go’aansaday xoojinta khadka difaaca Blues, waxaana lala xiriirinayaa xiddiga kooxda Paris Saint-Germain ee Presnel Kimpembe, iyo Jules Koundé oo ka tirsan naadiga Sevilla.

Wararka ayaa waxay intaas ku darayaan in tababare Thomas Tuchel uusan xiiseyneynin inuu la saxiixdo daafaca reer France iyo kooxda Bayern Munich ee Benjamin Pavard, kaasoo loo soo bandhigay madaxda Chelsea.

Tochel iyo maamulka kooxdiisa ayaa la dagaalamaya waqtiga si ay u xoojiyaan khadka difaaca isla markaana ay u buuxiyaan boosaskii ay ka baxeen

si ay magdhow uga helaan bixitaankii labada ciyaaryahan ee Antonio Rüdiger oo ku biiray Real Madrid, iyo Andreas Christensen oo ku biiray Barcelona.

Chelsea ayaa dadaalkeeda ku bilowday inay dhameystirtay saxiixa Kalidou Koulibaly. kaasoo kaga biiray kooxda reer Talyaani ee Napoli.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here