Atletico Madrid oo ku dhawaaqday saxiixa Axel Witsel

0
179

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Kooxda reer Spain ee Atletico Madrid ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday inay la soo wareegtay xiddiga reer Belgium ee Axel Witsel, kaasoo ay beeca xurta ah kaga soo qaadatay Borussia Dortmund heshiis hal xilli ciyaareed ah.

Atletico Madrid ayaa war rasmi ah oo ay soo saartay ku sheegtay:

“Axel Witsel xaqiiqdii waa ciyaartoy cusub ee kooxda Atletico Madrid ah, kaddib markii lagu heshiiyay qandaraas hal xilli ciyaareed ah.”

Xiddiga reer Belguim ayaa 4 sano ku qaatay kooxda Borussia Dortmund kadib markii uu u soo dhaqaaqay xagaagii 2018 isaga oo uga yimid kooxda Tianjin ee dalka Shiinaha 20 million euros.

Axel Witsel ayaa u ciyaaray kooxda Borussia Dortmund 145 kulan, tartamada oo dhan, wuxuuna kula guuleystay mudada 4 sano ah, koobab ay ka mid yihiin DFB-Pokal, xilli ciyaareedkii 2020-2021, iyo German Super Cup sannadkii 2019.

33 jirkaan ayaa saftay in ka badan 600 oo kulan oo rasmi ah intii uu ku guda jiray xirfadiisa ciyaareed, waxaana uu u ciyaaray Belgium 124 kulan.

Yeelkeeda, ciyaaryahanka khadka dhexe ayaa 40 kulan la ciyaaray Borussia Dortmund xilli ciyaareedkii hore tartamada oo dhan, waxaana uu dhaliyay kaliya labo gool.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here